๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ฌ๐ต ๐ข๐ธ๐๐ผ๐ผ๐ฏ๐ฎ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ– Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo Xariirka labada dal ka dhaxeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya
Raโiisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Finland taageerada ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la garab istaago dadka ku nool goobaha la xoreeyey iyo kuwa la xoreyn doono, maadaama ay Khawaarijtu dadkaas u diidanayd muddo dheer wax horumar iyo adeeg bulsho ah.
ย Dhankiisa Danjire Tapiola ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya sida ay uga goโan tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta, waxuuna tilmaamay in Finland ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/