๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฐ๐๐ถ๐๐ฒ๐ฒ๐๐ฎ๐ ๐ด๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐ถ๐ฑ๐ฎ ๐๐ซ. ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geeridda naxdinta leh ee ku timid Dr. Maxamed Yuusuf Xasan, oo caawa ku geeriyooday Muqdisho.
โInnaa-lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, ehelkiisa iyo bahda caafimaadka geerida ku timid Alle ha u naxariistee Dr. Maxamed Yuusuf, oo muddo badan ahaa Agaasimaha Isbitaalka Madiina, bare iyo badbaadiye soo saaray arday Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh caafimaadka, marxuumku wuxuu waqtigiisa u huray u adeegidda bulshada Soomaaliyeed, isaga oo hormuud ka ahaa gurmadkii caafimaad ee la gaarsiiyay dadkii ku waxyeelloobay masiibooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalkeennaโ, Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Mudane Xamsa, ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.
โ Dhammaad โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so