๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐˜…๐˜‚๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐—ข๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ๐Ÿญ๐Ÿฎ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ—Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay maalintii ugu horreysay ee la taagay calamka 12 Oktoobar sanadkii 1954-tii, kaas oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

โ€œWaxaan hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Calanka u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Maanta waxaan u wada taagannahay in aan difaacno calankaas oo ay duullaan ku yihiin argagixisada dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarkaโ€ ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo cadowga Khawaarijta ee u diiddan nabadda iyo horumarka, isla markaana ka soo horjeeda jiritaanka bulshada Soomaaliyeed.

โ€”๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐—— โ€”

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia