๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ญ๐ฑ ๐ข๐ธ๐๐ผ๐ผ๐ฏ๐ฎ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ–Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, si uu dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid ahna loo baahan yahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore.
Raโiisul Wasaaraha oo ka hadlayay shirka heerka farsamo ee Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Maareeyeyaasha Heyโadaha ee ku saabsan aqoon-is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay laf-dhabar u yihiin agaasimeyaasha guud dhaqan gelinta geeddigaas dowladnimada casriga ah ee uu dalku u jiheystay.
Sidoo kale, Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, ayaa hoosta ka xariiqay inย dalka ay ka dhici doonaan isbeddello waaweyn oo ay ugu horreeyaan ciribtirka Khawaarijta, deyn cafinta, dhammeystirka dastuurka iyo bixitaanka ATMIS.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia