๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ โ€œ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—บ๐˜‚๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—บ ๐—ฎ๐—ต ๐—ถ๐—ป ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐˜…๐—ป๐—ผ ๐—ฑ๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐˜‚๐—ณ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ต๐—ถ๐—ถ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐—ฒ ๐˜‚ ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฐ๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ป๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ป๐—ฎโ€

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐—ข๐—ฐ๐˜๐—ผ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ๐Ÿญ๐Ÿฒ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ—- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray maalinta koowaad ee Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo uu maanta furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in la joogo xilligii la cusbooneysiin lahaa qaabka shaqo iyo hannaanka fulinta adeegyada dowladda, maadama ay ku saleysan yihiin duruufihii iyo agabkii burburka ka hor.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorsheyaasha horutabinta u leh dowladnimada Soomaaliya oo ay ugu horreyso sugidda amniga iyo dabargoynta argagixisada,maalgashiga, shaqo abuurka, xasilloonida siyaasadda, tiknaloojiyeynta shaqada Hayโ€™adaha dowladda iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxaana uu ku ammaanay Golaha Wasiirrada sida ay u xaqiijiyeen qorshaha sanadlaha ahaa ee Xukuumadda DanQaran 2023.

โ€œWaxaan maanta halkaan u fadhinaa waa isbeddel in la helo, si loo xaqiijiyo isbeddelkaas waa in uu anaga naga bilowdaa oo natiijada isbeddelku ay idinka muuqataaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaaraha oo la hadlayey xubnaha Golaha Wasiirrada.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya in ay ka dheegtaan walaalahooda reer Malaysiya hannaanka dowladnimada casriga ah, casharna ka bartaan jidka ay jeexeen iyo caqabadihii la gudboonaaday inta ay geeddigaas ku jireen.

Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo soconaysa muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa qeyb ka ah dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo Madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.