๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐˜€๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐˜‚ ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ถ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ท๐—ถ๐—ต๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐˜€๐—ฟ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐Ÿญ๐Ÿณ ๐—ข๐—ฐ๐˜๐—ผ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ—Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in heyโ€™adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isla -jaanqaadaan, si wadajir loogu xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.

โ€œDowladdeennu waxay diiradda saareysaa sidii ay u abuuri lahayd jawi ay ku bullaallaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, halkaas oo hal abuurrada ganacsiga lagu dhiirrigeliyo, ayna ku kobcaan maalgashiyada dibadeed iyo kuwa guduhubaโ€

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa u sheegay madaxda iyo milkiilayaasha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, baahida loo qabo in la sameeyo isbeddel dhan walbo ah, si isbeddelkaas looga mirro dhaliyana ay lagama maarmaan tahay in la helo ka goโ€™naansho bulsho.

Waxuu kula dardaarmay Raโ€™iisul Wasaaruhu ganacsatada in ay kaalintooda ka qaataan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee u baahan in wadajir wax looga qabto.

โ€”๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐—— โ€”

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia