๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฒ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ฎ๐—ต ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—˜๐˜๐—ต๐—ผ๐—ฝ๐—ถ๐—ฎ

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐Ÿณ, ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏโ€” Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Salax Axmed Jaamacย  ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ethiopia, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan iyo wafdi oo uu hoggaaminayo.

Wafdiga ka socda dalka Itoobiya ayaa u yimid caasimadda Muqdisho sidii ay wada hadallo ku dhisan danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashi dhinacyada kala duwan ee u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.