๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ง๐ฎ๐น๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ผ ๐ญ๐ณ ๐ข๐ฐ๐๐ผ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ— Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga miro dhaliyo Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ee Soomaaliya, isaga oo ka hadlay maalinta labaad ee barnaamijka Aqoon is-weydaarsiga Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda oo ka socda magaalada Muqdisho.
Mudane Saalax ayaa ku dheeraaday sida lagama maarmaanka u tahay in aynu si xawli ah uga shaqayno sidii dalkeena aynu ugu jeexi lahayn jiho cusub oo la jaanqaadaysa nidaamka Tikloonajyada casriga ee dunidu u guurtay, taasina ay ku imanayso dadaal iyo wakhti dheeraad ah.
Shirka ayaa maanta xoogga lagu saarayaa barnaamijka dayn cafinta kadib halka loo jihaysan doono, u hogaansanaanta sharciga hantidhowrka, qorshaha horumarinta Qaranka iyo hannaanka dhaqaale iyo qorshaha fog ee 2060 Soomaaliya.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia