𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝘄𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗺𝗮𝗱𝘀𝗵𝗮 𝘄𝗮𝗱𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝟮𝟳, 𝗠𝗮𝗮𝗷𝗼, 𝟮𝟬𝟮𝟯—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka soo laabtay Shirka sannadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika ee ku qabsoomay Sharm El Sheikh ee dalka Masar ayaa ku biiray Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ka socday maalmahan magaalada Muqdisho.