Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ-๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ป ๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ธ๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ท๐˜๐—ฎ

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ ๐—๐˜‚๐—น๐˜†, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ— Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay Amniga Guud ee dalka iyo Dib-u-habeynta Hannaanka iyo Maamulka Dowladnimada casriga ah.

Golaha ayaa ka dhageystay Wasiirada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixin ku saabsan amniga dalka iyo guulaha laga gaaray xoreynta iyo xasillinta dalka.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyada oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada howlgallo qorshaysan iyo dagaallo guulo laga gaaray oo laga fuliyey qaar kamid ah gobollada dalka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirradaย  ayaaย  loo soo bandhigayย  Habka Maareynta Waxqabadka Iyo Adeeg Siinta Bulshada oo wax badan kusoo kordhin doona Isbeddelka Qaybaha Dowladda, sida Hoggaaminta toosan, Maamul-Wanaagga iyo Hirgelinta Istiraatijiyadaha u Horseedi kara Soomaaliya Horumar Dhaqan-Dhaqaale oo Deg-deg ah.

โ€“DHAMMAADโ€”

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia