๐ฆ๐ต๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐น๐ผ๐ผ๐ด๐ฎ ๐ต๐ฎ๐ฑ๐น๐ฎ๐ ๐ด๐๐๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ถ๐๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ท๐ผ๐ผ๐ด๐ฎ ๐ฐ๐ถ๐ถ๐ฑ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ ๐ผ๐ผ๐ด๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ ๐ธ๐ฎ ๐ด๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ต๐ฒ๐ฒ๐ป ๐ณ๐๐ฟ๐ถ๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ด๐ฎ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ญ4 ๐ฆ๐ฒ๐ฝ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ- โ Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoomiyey Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay dagaalka cadowga Khawaarijta looga sifeynayo dalka, iyada oo lagu meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.
Kulanka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Raโiisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan ciribtirka Khawaariijta gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada oo sameeyey abaabul xoog leh oo ay ku muujinayaan in hadda la gaaray xilligii la iska tuuri lahaa heeryada Khawaariijta dhiig miiratada ah, isagoo ugu baaqay ganacsatada inay qaataan doorkoodo iyo codkoodana kor u qaadan.
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย