๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐— ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ๐˜„๐—ด๐—ฎ ๐—ฌ๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐—ฏ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜€๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—”๐—บ๐—ป๐—ถ๐—ด๐—ฎ

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐Ÿฎ๐Ÿฎ ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฏ๐˜๐—ฒ๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ– Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaankaย  Midowga Yurub Danjire Delphine Pronk oo maanta soo gaartay Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dhinac, qaab-dhismeedka qorshe-hawleedka wadajirka ah (Joint Operational Roadmap) iyo mustaqbalka taageerada Midowga Yurub ee amniga Soomaaliya, waxa ayna soo bandhigtay Guddoomiye Delphine in Midowga Yurub ay kordhiyeen tageerada dhaqaale ee ay ku kabaan Ciidamada Xoogga dalka.

Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac, ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Midowga Yurub uu ka qaato amniga, xasilloonida, arrimaha baniโ€™adannimada iyo dhaqaalaha. Waxa uuna uga mahadceliyey taageeradooda ku aaddan sidii ay Soomaaliyed dib ugu soo kaban lahayd.

Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka ee Midowga Yurub Amb. Delphine Pronk ayaa tilmaamtay baahida loo qabo in laga faa’ideysto dardargelinta iskaashigan muhiimka ah, si loo sii horumariyo iskaashiga mustaqbalka ee amniga Soomaaliya.

Waxa ayna carabka ku adkeysayย  in xasilloonida iyo horumarka nabadeed ee Soomaaliya aysan muhiim u ahayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo kaliya, balse ay muhiim u tahay guud ahaan Geeska Afrika.

Iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ayaa waxaa haga Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee EU-SOM, oo la bilaabay May 2023. Iyada oo Midowga Yurub uu Soomaaliya ku maalgeliyay tan iyo sanadkii 2014-kii lacag dhan 3.5 Bilyan oo Yuuro.

DHAMMAAD

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia