๐—ซ๐—ผ๐—ด๐—ต๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ซ๐—ฅ๐—ช ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ธ๐—ถ๐—ถ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—จ๐—ก๐——๐—ฃ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ

Muqdishoย  2ย  Janury 2023—-Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Abuukar Subeyr ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Heyโ€™adda UNDP ee Soomaaliya, Jocelyn Mason oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta xafiiska iyo heyโ€™adda.

Xoghayaha iyo Wakiilka ayaa isla soo qaaday mashruucyada horumarineed ee ay UNDP ay ka waddo Soomaaliya gaar ahaan xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha iyo sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta dhow ee u dhaxeysa labada dhinac, iyadoo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda DanQaran.

Mudane Subeyr ayaa uga mahadceliyay heyโ€™adda UNDP mashaariicda horumarineed ee ku taageereyso barnaamijyada xukuumadda.