๐ซ๐๐ธ๐๐๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ป๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป ๐ผ๐ผ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐พ๐ฎ๐ป-๐ด๐ฒ๐น๐ถ๐๐ฎ๐ ๐๐ต๐๐ฟ๐๐๐ฐ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐โ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐๐๐น๐ถ๐๐๐ฎ ๐ฅ๐ฎ๐๐ถ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฒ๐ฒ๐ฑ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ญ๐ณ, ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ท๐ผ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay dhaqan gelinta shuruucda Hayโadda Duulista Rayidka Soomaaliyeedย oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hayโadaha duulimaadyada.
Shuruucda iyo habraacyada muhiimka ah ee hagaya Hay’adda Duulista Rayidka ah oo ay meel mariyeen goleyaasha dowladda ayaa suuraglisay in hay’addu ay noqoto mid la jaanqaadaysa hay’adaha dhiggooda ah ee adduunka, iyada oo hay’addu sameynaysay sannadihii dhawaa horumaro kala duwan.
Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey horumarka ay sameysay Hay’adda Duulista Rayidka ah, ayaa sheegay in hay’addani ay ahmiyad gaar ah u leedahay qaranka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, waxuuna intaas ku daray in xukuumaddu ay ka shaqeynayso horumarinta garoomada dalka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa xusay horumarrada kala duwan ee uu dalkeennu sameynayo ay laf-dhabar u tahay Hay’adda Duulista Rayidka ah oo isku xirta dunida iyo Soomaaliya, isla markaana tan iyo burburkii maanta ay gaadhay heer ay la sinnaato hayโadaha dhiggeeda ah ee caalamka, taas oo ah guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.
–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia