Muqdisho, Maajo 08, 2023; Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehelinayaan Raโiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudan Saalax Axmed Jamaac iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa ka qeyb-galay munaasabad ku qabsoomtay degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidammada, laguna dhiirri gelinayey Hayโadaha Amniga.
Raโiisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay muwaadiniinta abaal marinta lagu guddoonsiiyey madasha ee ka hortagay falal amni darro, gacanna ka geystay in la soo qabto dhagar-qabeyaal u maleegayey shacabka hagardaamooyin, waxa uuna xusay in amniga caasimadda ee la hagaajiyey ay sabab u tahay wadashaqeynta shacabka iyo dowladda.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xusay in caawa ay haystaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed fursad taariikhi ah oo ay dalkooda ku xoreeyaan, maadaama Xukuumadda ay qaadday tallaabooyin isu soo dhaweynaya Hayโadaha Amniga iyo shacabka, lana xoojiyey kalsoonida, wadashaqeynta iyo dareenka qarannimo.
Sidoo kale, Raโiisul Wasaaraha ayaa ku wareejiyey Ciidamada Qalabka Sida 50-neef oo geel ah oo ay jeebkooda ka iibiyeen Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia