๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ฌ๐ณ, ๐ข๐ฐ๐๐ผ๐ฏ๐ฒ๐ฟ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Heyโadda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-gorow ee digniinaha la xiriira roobabka iyoย fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu kormeerka ku jirey wuxuu warbixinno ka dhegeystey qaar ka mid ah madaxada iyo khuburada heyโadda SODMA, isagoo ku boorriyey in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta roobabka iyo fatahaadaha ku soo foolle.
โWaxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara roobab la rajeynayno in ay ka daโaan dalka, sida lagu ogaaday saadaalo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taas oo na-tusineysa in roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka diโi karaan qeybo kamid ah dalka.โ Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan wabiyada jiinkooda, kuwaas oo halis gaara ugu jira daadad xoog leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha webiga iyo dhulalka godan.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn ku booriyey Heyโadaha gargaarka ee ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Heyโadda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka soo foogan.