Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mootoo Bajaajta

Muqdisho 30 Maarso 2013—Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mootooyinka iyo Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabaya dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha gaadiidka bajaajta ayaa labadii bishan magacaabay guddi heer Wasiir ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka soo tallo bixiya xal-u-helidda mootada.

Golaha oo dood dheer ka yeeshay tallaayinka guddiga ayaa ansixiyeen qaraar ka kooban shan qodob oo kala ah;

  1. Laga bilaabo 1da bisha Abril 2023 waxaa la hakiyay soo dejinta Mootooyinka bajaajta, mootada laba lugoodlayda iyo mooto gaari, sidoo kale waa in laga hortagaa meel kasto oo laga soo dajiyo ee ka mid dekadaha dalka ilaa amar danbe.
  2. Laga bilaabo 1da ilaa 30ka April 2023 waa in dhammaan la tirakoobo gaadiidka
Bajaajyada, sidoo kale waa in la midabeeyo/ loona sameeyo sumad gaar ah oo ka kooban A iyo B, shaqadaasna waxaa fulinaayo Maamulka Gobolka Banaadir.
  3. Lama siin karo ruqsadda wadista mooto bajaajta iyo noocyada kale ee mootooyinka qof da’diisu ka yar tahay 18 sano.
  4. Laga bilaabo 1da bisha May 2023 waxaa la joojinayaa bixinta taarikada mootooyinka ilaa amar dambe.
  5. Wasaaradda Gaadiidka, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo hay’adaha amniga waxay u xilsaaran yihiin fulinta qodobada kor ku xusan.

Sidoo kale, Golaha ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka, Heshiiska Is-afgaradka Iskaashiga Arrimaha Islaamka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, Xeer Nidaamiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, Xeer Nidaamiyaha Dareer Hoosaadka Batroolka iyo Heshiiska Dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga.

–DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

instagram:

opmsomalia

#DanQaran