Kismaayo, 7da Luulyo 2021-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jubalanad Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ujeedka socdaalka Ra’iisul Wasaaruhu ku yimid Jubaland ayaa waxaa qeyb ka ah arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta. Isagoo dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada, kuwaa soo ay dowladdu ka hirgelinayso Jubaland si loogu adeego shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shacabka Jubaland soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey, waxuuna sheegay in madaxda Jubaland uu kala xaajoon doona dhammeystirka dib-u-heshiisiinta gobolka Gedo iyo howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay
.