Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kulan la yeeshay Madaxwaynaha Suudaan

New York, Khamiis 26 Sebtembar 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta magaalada New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada dowladood iyo shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Suudaan, iyagoo si gaar ah iskula soo qaaday xal u helidda colaadda ka taagan dalka Suudaan.