Shaqooyin

Si loo dhaqangeliyo qorshaha isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaa Dawladda Federaalka ka go’an si caddaalad ah oo siman in dadka Soomaaliyeed ay ku helaan shaqooyinka, qof walba na lagu qiimeeyo aqoonta uu u leeyahay shaqada loo dhiibayo. Hoos ka eeg shaqooyinka ka bannaan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.


Shaqooyinka bannaan

Waxaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ka bannaan jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Federaalka, Agaasinka Bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Qaabka loo codsanayo

Si aad u soo codsato fadlan la soo deg labada fayl ee hoos ku lifaaqan. Faylka kowaad waxa uu faahfaahin kooban ka bixinayaa habka loo marayo xulashada tartamayaasha iyo shuruudaha looga baahan yahay tartamayaasha. Faylka labaad waa arjiga codsiga shaqada, foomkaan waxaa soo buuxinaya tartamayaasha, waxana ay ku soo dirayaan emailka hr@opm.gov.so ugu danbeyn 17 Diisembar, 2017 11:59 fiidnimo (saqda dhexe) Shaqadaani waa ay dhacday, wax arji ah oo hadda ka danbeeya na la aqbali mayo.

  1. Degso (download): Talobixin Kooban
  2. Degso (download): Arjiga Codsiga Shaqada

Fiiro Gaar ah: marka aad shaqada codsanayso fadlan isticmaal arjiga codsida shaqada ee halka sare ku lifaaqan, kuna buuxi macluumaadka lagaaga baahan yahay godadka laguu banneeyey ee foomka, kadib kaydi macluumaadkaaga (save), kadib na ku soo dir emailka lagu siiyey.