Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

TIIRKA 3aad: SOOMAALI HESHIIS AH

Xukuumaddu waxay hiigsanaysaa wax ka qabashada colaadaha, is aaminaad la’aanta, iyo kala qaybsanaanta ku baahday dalkeenna, oo lagu baddalo midnimo Soomaaliyeed, laguna gaaro heshiisyo raalli la isaga yahay iyadoo laga faa’iidaysanayo casharradii laga soo bartay waqtiyadii adkaa ee dalkeenna iyo dadkeenna soo maray.

In kastoo shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaadihii sokeeye oo horumar la taaban karo laga gaaray isku-soo-dhaweynta shacabkeenna wada dhashay, haddana waxaa loo baahanyahay in la dhammeystiro geeddi-socodka nabadeynta dalka. Arrintaasi waxay shardi u tahay in laga dhabeeyo deganaansho-siyaasadeed iyo horumar amni, iyadoo la soo af-jarayo dhammaan colaadaha taagan, si loo xoojiyo kalsoonida iyo is-aaminka bulshada.

 

Sidaa darteed, waxaa xukuumadayda ka go’an hirgelinta hannaan siyaasadeed oo ku salaysan dib-u-heshiin, is-faham iyo midnimo, si loo helo xasilooni siyaasadeed iyo ummad nabad ku wada nool. Dareenka bulshadeenna waxaa ka muuqata bisayl, waxaana loo baahanyahay in dowladnimadu ay keento siyaasad mug leh oo wax ka qabata dhibaatooyinka dalka ka jira ee na dhaxalsiiyey xasillooni darrada, dagaallada, iyo colaadaha daba dheeraaday.

 

Halbeegyada Hortabinta leh:

  1. Hirgalinta Istiraatiijiyadda Qaran ee Dhab u heshiinta.
  2. Dhamaystirka dib u eegista Dastuurka.
  3. Dar-dar galinta arrimaha Federaalaynta iyo daadajinta dowladnimada.
  4. Sii amba-qaadidda wadahadallada Soomaaliland.
  5. Dimoqraadiyaynta iyo Dardargalinta Dowlad wanaagga
  6. Diiwaangelinta Dadweynaha, iyo Howlaha Hay’adda aqoonsiga dadwaynaha
  7. Midaynta Hannaanka Doorashooyinka Dalka
  8. Hirgalinta Nidaamka Xisbiyada
  9. Hirgalinta Doorashada Qof iyo Cod

 

3.2 DHAMMAYSTIRKA DIB U EEGISTA DASTUURKA

 

Hadafka xukuumaddu waa in la qabyo-tiro dastuurka dalka, si loo dardargeliyo dadaalladii muddada dheer soo socday ee dhammaystirka dastuurka, waxaana ay xukuumaddaydu abuuri doontaa jawi ay isugu yimaadaan madaxda siyaasadda ee labada heer (Federaal iyo Maamul Goboleed), wasaaradaha iyo hay’adaha. Sidoo kale, waxaa wadatashiyo lala samayn doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan ognahay in inta badan arrimaha ka dhimman dastuurka ay yihiin arrimo ay ka jiraan aragti kala duwanaanshiyo oo ay muhiim tahay in laga wadahadlo, oo laga gaaro heshiis siyaasadeed oo la’isku raacsanyahay. Sidaas darteed, Xukuumaddu waxa ay agaasimi doontaa wadatashiyo loo dhanyahay, mug leh kuna soo dhammaada dastuur dhigaalkiisa iyo eray bixintiisaba la tafa-tiray, lagana heshiiyay.

Halbeegyada Hortabinta leh:

  1. Qabashada iyo Joogtaynta shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka.
  2. Dib-u-habaynta iyo dhamaystirka Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka.
  3. Diyaarinta qorshe midaysan ee dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka.
  4. Qabashada Shirwaynaha Bandhigista iyo Ansixinta Qorshaha Midaysan ee Dhamaystirka Dib-u-eegista Dastuurka.
  5. Isla meeldhigidda iyo ansixinta dib-u-eegista farsamo ee dastuurka.
  6. Billaabidda ka doodista farsamo iyo xal ka gaarista arrimaha u baahan wadaxaajood iyo heshiis siyaasadeed.
  7. Waqti u qabashada qorshe hawleedyada dhammaystirka dib u eegista dastuurka iyo ka heshiinta nidaamka afti u qaadista dastuurka.
  8. Wacyigalinta Dastuurka heer Federaal, heer Dowlad-goboleed, Heer Deegaan iyo Tuulo.

 

3.3 DAR-DAR GALINTA ARRIMAHA FEDERAALAYNTA IYO DAADAJINTA DOWLADNIMADA

 

Hiigsiga Xukuumaddu waa in aan hirgalinno dowladnimo u dhaw shacabka, oo la wada leeyahay. In kastoo dalkeennu qaatay nidaamka Federaaliga ah, haddana waxaan wali dhamaystirnayn siyaasadihii iyo xeerarkii lagu dhaqan galin lahaa federaalaynta dalka, taasi waxay keentay kala aragti duwanaansho labada heer ee dowladeed iyo dowlad goboleedyada dhexdooda waxayna horseedday in adeeggii bulshadu mudnayd aanay xukuumaddu fulin karin. Waxaa dhab ah in nidaamka federaaliga ahi uu yahay mid ku cusub bulshada Soomaaliyeed iyo hoggaanka dalkaba, shuruucda iyo qaab-maamulka dalkuna wali uu ku salaysan yahay nidaamkii dowladdii dhexe.

 

Waxaa xusid mudan in loo baahan yahay in heshiis laga gaaro maaraynta iyo maamulka amniga, garsoorka, dakhliga, maaraynta khayraadka, iyo ka go’aan qaadashada arrimaha mashaariicda kala duwan ee taabanaya danta bulshada ee heer qaran, gobol, degmo iyo tuulo.

 

Waxa ay xukuumaddaydu ka shaqayn doontaa fududaynta kulamada Golaha Wadatashiga Qaran, waxay golaha ka caawin doontaa qabsoomidda wada xaajoodyada loo madlanyahay, cillad bixinta iyo qeexitaanka waxyaabaha u baahda fasiraad dheeri ah, xiriirinta howlaha wasaaradaha ee labada heer ee dowladda iyo wax alla wixii farsamo iyo is waafajin u baahda.

Halbeegyada Hortabinta leh:

  1. Qabashada iyo Joogtaynta shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ).
  2. Dib-u-eegista Guddiyada Madaxa Bannaan ee la xiriira arrimaha federaalaynta iyo Xuduudaha iyo guddiga dastuurka.
  3. Kobcinta Awoodda Dhaqaale iyo Maamul ee Dowladaha Xubnaha ka ah DFS.
  4. Dardargalinta dhismaha golayaasha deegaanka iyo dowladaha-hoose.
  5. Daadajinta Adeegyada Dowladda iyo u dhawaynta bulshada.
  6. Xoojinta xiriirka wadashaqaynta Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir.
  7. Diyaarinta iyo ansixinta Hindise sharciyeedka Guddiga isku-xirka Xukuumadaha.

 

3.4 WADAHADALLADA SOOMAALILAND

 

Hadafka xukuumaddu waa in la helo Soomaaliya mid ah oo lagu gaaro heshiis. Midnimada dalka Soomaaliyeed waa lama huraan waana in la ilaaliyo wadajirka iyo walaalnimada dadka Soomaaliyeed. Xukuumaddu waxay halkeeda ka sii ambaqaadi doontaa wadahadalladii muddada dheer lagu soo hawlanaa ee u dhexeeyay Dowladda Federaalaka ah iyo maamulka Soomaaliland.

 

Xukuumaddaydu waxay kala shaqayn doontaa maamulka Soomaaliland sii wadidda iyo hirgalinta is af-garadyadii iyo heshiisyadii horay loo gaaray. Xukuumaddu waxay ku dadaali doontaa sidii wadahadalladdaasi u noqon lahaayeen kuwo miradhal keena Soomaaliya mid ah, heshiis ah, kana wada shaqeeya dib u dhiska dalka.

 

Halbeegyada Hortabinta leh:

  1. Dejinta qorshe qaran oo lagu wajahayo wadahadallada walaalaha Soomaaliland.
  2. Dardargalinta wadahadallada Soomaaliland.
  3. Dhamaystirka iyo hirgalinta is af-garadyadii iyo heshiisyadii horay loo gaaray.

 

 

3.5 DIMOQRAADIYAYNTA DALKA.

 

Hiigsiga xukuumaddu waa in aan qabanno doorasho heer Federaal, heer dowlad goboleed iyo mid deegaameed oo baahsan, oo si xalaal ah loogu tartamo, kuna qabsoonta waqtigeeda.

 

Waxaan ognahay in doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda ay ugu danbaysay sannadkii 1969-kii.  Intii ka dambeysay waqtigaas, dalku wuxuu ku soo jiray marxalado kala duwan oo ay ka mid yihiin xukun-ciidan, dagaallo sokeeye, dowlad la’aan, dowlad ku-meel-gaar ah iyo doorasho dadban. Waxay cashar lama illaawaan ah Soomaaliya ka heshay doorashadii 2020-2022 oo qaadatay muddo ku dhaw laba sano. Waxay xukuumadaydu ka shaqayn doontaa sidii loo diyaarin