TIIRKA 4aad: ISKU FILNAANSHO DHAQAALE
Hiigsiga xukuumaddu waa yaraynta saboolnimada, iyo gaaritaanka isku filnaansho dhaqaale. Waxaa xaqiiqa ah in saboolnimo baaxad leh ay ragaadisay dalka mudda dheer, iyada oo ay caddeyn u tahay in dadka Soomaaliyeed qiyaastii in ka badan 69% ay ku nool yihiin wax ka yar $2 doolar maalintii, 43% ay quutaan in ka yar $1 doolar maalintii. Waxaa intaa dheer, Soomaaliya dadkeedu waa dad dhallinyaro u badan, iyadoo qiyaaskii in ka badan 70% da’doodu ka yartahay 35 jir. Haddaba, saboolnimadu waxay sababtay amni-darro, gaajo, macaluul iyo in ay dhallinyaradu iskaga hayaamaan dalka ayagoo raadinaaya nolol iyo mustaqbal.
Saboolnimada ka jirta Soomaaliya ma aha mid dabiici ah ee waxaa sabab u ah colaadaha, iyo xasilooni-darrada ragaaday oo rejo-beel iyo darxumo ku noqotay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada iyo danyarta. Dhaqaalaha dalku ma horumarayo haddii aynaan si wadajir ah ula dagaallamin musuq-maasuqa, caddaalad-darada iyo amni-xumada Xukuumaddu waxay awood saari doontaa sidii dib loogu soo celin lahaa kaabayaashii dhaqaale sida furitaanka jidadka, dhismayaasha buundooyinka, garoomada iyo casriyaynta dakadaha gaar ahaan kuwa ilaha wax-soo-saarka sida marsooyinka kalluumaysiga, waraabka beeraha iyo biyaha xoolaha, xoogga korontada iyo tamarta la cusboonaysiin karo kuwaas oo laf-dhabar u ah kobaca ganacsiga, maalgashiga warshadaha iyo isticmaalka tiknooloojiyadda casriga ah.
Innagoo la soconna xaaladaha cakiran ee aduunka ka jira, kana faa’iidaysanayna khayraadka uu dalkeennu hodanka ku yahay iyo goobta juqraafiyadeed ee dalkeennu kaga yaallo caalamka ayaa waxa ay Xukuumaddu ahmiyad gaar ah siin doontaa soo saarista khayraadka badda oo uu ugu horreeyo kalluunka iyo shidaalka. Waxa aan sidoo kale mudnaan gaar ah siin doonnaa horumarinta xoolaha, iyo wax soo saarka beeraha. Xukuumadda waxaa ka go’an in waxqabad la taaban karo laga gaaro kobaca dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka, suuq-geynta, shaqo-abuurka iyo baahinta maal-gashiga iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyadoo la dhiirigalin doono hal-abuurka, hindiseyaasha ganacsi, maalgashi, xirfadaynta, iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.
Tek-noolajiyada, gaar ahaan isgaarsiinta iyo internet-ka ayaa gaarsiisan qeybo badan oo dalka ka mid ah, waxaase loo baahanyahay in la xoojiyo tayadooda, qiimuhuna noqdo mid suurto-gal ah, laguna baahiyo dalka oo idil. Taasi, waxay u baahaneysaa huffitaanka iyo dib u eegidda shuruucdii iyo nidaamkii lagu hagi lahaa, iyo hir galinta howlaha qabyada ah.
Sannadihii la soo dhaafay waxaa kor u kacay dakhliga dowladda, waxaa dib u habayn lagu sameeyay nidaamka maamulka maaliyadda ee dalka waxaa si wayn looga shaqeeyay barnaamijkii dayn caffiska oo dalka ku soo kordhiyay hirgalinta tallaabooyin wax-ku-ool u ahaa barnaamijyo horumarineed oo ay ka wada shaqeeyeen dowladda iyo Baanka Aduunka, kuwaasoo kobaciyay miisaaniyadda dowladda. Waxaa Xukuumdda ka go’an in aan si wayn u sii xoojinno kobaca dakhliga dowladda, tayaynno nidaamka isla xisaabtanka maaliyadeed, isla markaana dalka ku baahinno nidaam maaliyadeed oo casri ah.
Xukuumaddaydu waxa ay si wadajir ah uga shaqayn doontaa xoraynta, nabadaynta, sugidda aminga gobollada dalka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, ayadoo wasaaradaha ay khusayso ay iska kaashan doonaan isku xirka iyo fulinta mashariicda waddooyinka, tamarta, eeriboorrada iyo howlaha sugidda amniga, taas oo macneheedu yahay in iyadoo goobaha aaminka ah ay si caadi ah uga socdaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha in haddana goobaha ay ka jirto amnidarrada aan ka hir galin doonno mashaariic la socota hawl-gallada amni sugidda.
Hiigsiga Xukuumaddu waa in la cirib tiro musuqa lana abuuro dhaqan dowladeed ku qotoma maamul wanaag. Dalkeennu ma horumari karo, dhaqalaheennuna ma kobci karo, isku filnaanshana ma hanan karo haddii aynaan abuurin dhaqan dowladnimo oo ka amba qaadaya maamul suubban iyo musuq-maasuq la’aan. Si loo soo celiyo wax wada-lahaanshihii ka dhexeeyay dadwaynaha iyo dowladda, loona xaqiijiyo in dib u dhiska dalka si wada jir ah looga qayb qaadanayo waa in la abuuraa jawi xaqiijinaya isla xisaabtan oo ay dowladdu gudanayso waajibkeeda adeeg ee ay shacabku xaqqa u leeyihiin. Xukuumaddu waxay xoogga saari doontaa guud ahaan la-dagaallanka musuq-maasuqa, gaar ahaan musuqa dhakhliga, kharash-bixinta, adeegga dadweynaha, iyo qandaraasyada dowladda. Xukuumaddu waxay qaadeysaa tallaabooyin cadcad oo horseedaya in dhakhliga canshuuraha oo ah hanti dadweyne soo wada gasho gacanta dowladda si loogu fuliyo adeegga loogu baahi badanyahay ee shacabka.
Si loo cirib tiro musuqa waa in hay’adaha dowladda iyo shaqaalaha xukuumaddu astaan u noqdaan hirgalinta iyo ku dhaqanka maamulka suuban oo ay ugu horrayso run sheegid, daacadnimo, waqti-ilaalin, iyo daah-furnaan, waxa ay dowladu ka shaqayn doontaa wacyi galin ku salaysan sharciyada dalka u yaalla iyadoo lala kaashanayo hay’adaha madaxa bannaan, culimada diinta, oday-dhaqameedyada, ganacsatada, ururrada bulshada iyo aqoonyahannada.
Halbeegyada Hortabinta leh:
- Horumarin dhaqaale, Nidaaminta iyo Kordhinta Dhakhliga Dalka:
- Kordhinta dakhliga ee ilaha dhaqaalaha qaranka iyo gaarista isku filnaansho miisaaniyadeed.
- Fulinta barnaamijka dayn cafiska (ECF).
- Midaynta nidaamka Dakhliga furdadaha iyo gaarista heshiiska federaalaynta maaliayadda.
Dhaqangalinta sharciga maaraynta maaliyadda dalka (PFM