Raisul Wasaaraha Soomaaliya oo dadweyne fara badan kala qeyb galay daawashada ciyaar xiiso badan

MUQDISHO —Raisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay la socdeen masuuliyiin kala duwan ayaa galabta ka qeyb galay daawashada ciyaar aad u xiise badneyd oo ka dhacday Xarunta Maamulka degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Daawashada Ciyaartan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumada Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasada ee Gobolka Banaadir, Mudane Mohamed Tuulax, Gudoomiye Ku-xigeenka arimaha Bulshada gobolka Basma Caamir,  Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab,  Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka, guddoomiyaha degmada Hodan iyo dadweyne fara badan oo dhalinyaro u badnaa.

Ciyaartan oo ka tirsaneyd Tartanka Kubada Cagta dugsiyada degmada Hodan ayaa waxaa fooda isku daray dugsiga dhegoolayaasha iyo iskuulka Shiikh Madar, waxayna labada kooxood soo bandhigeen ciyaar ay ka maqsuudeen masuuliyiintii iyo dadweynihii daawanayey, Waxaana ugu dambeyn ay guushu 3-0 ku raacday dugsiga dhegoolayaasha oo u soo gudbay semi finalka Tartankan.

Raisul Wasaare Khayre oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada daawashada cayaartan ayaa sheegay in Isboortigu uu qeyb weyn ka qaato isdhex galka bulshada iyo xoojinta nabada, isagoo xusay in Xukuumadiisu ay muhimad gaar ah siinayso horumarinta iyo dhiirigelinta dhalinyarada iyo ciyaaraha si loo helo bulsho maskax ahaan Caafimaad qabta, wuxuuna Maamulka degmada Hodan ku amaanay tartankan ay soo abaabuleen oo uu sheegay inuu yahay mid aad u qiime badan.

Masuuliyiintii ka qeyb gashay daawashada ciyaartan oo uu ku jiro Raisul Wasaaraha ayaa intii ay joogeen garoonka waxay dhex-galeen shacabkii iyo dhalinyaradii halkaas ku sugneyd, iyagoo la yeeshay wada sheekeysi iyo kaftan aad u xiise badnaa.

Xukuumada uu Raisul Wasaaraha ka yahay Xasan Cali Khayre ayaa dedaal badan iyo juhdi gelisay horumarinta isboortiga iyo dhiirigelinta dhalinyarada si loo xoojiyo nabada iyo isdhexgalka bulshada, isla markaana da’yarta Soomaaliyeed looga badbaadiyo iney ku biiraan kooxaha nabadiidka ah.


Cabdiraxmaan Macallin Xusseen
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM