Ra’iisul Wasaare Khayre oo Casho Sharaf U Sameeyay Golaha wasiirrada iyo howl-wadeennada Tubaha

Muqdisho; Isniin, Deseembar 31, 2018 —Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khare, ayaa xalay xafiiskiisa casho sharaf ugu sameeyay sameeyay golohiisa wasiirrada iyo hawl wadeennada tubaha afarta ah ee lagu saleeyay shaqo maalmeedka dawladda.

Casha sharafta ayaa lagu maamuusayay shirka isla-xisaabtanka afarta tubood oo shalay lasoo gebagebeeyay kaas oo looga hadlayay hawlihii qabsoomay, wixii qaldamay, qorshayaasha hor-tebinta leh labada sano ee soo socota, sidoo kalana la iskula gartay in lagu wada taaganyahay hal waddo oo loo jeexay u jeeddo laga midaysanyahay oo ah horumarinta qarannimada Soomaaliya iyo in laga dhabaynayo himilooyinka lagu doortay madaxwayne Maxamed Cabdullaahi maxamed (Farmaajo)

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa hawlwadeennada madaxtooyada, xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo tubaha uga mahadceliyay tallaabooyinka ay qaadayaan ee qarannimada Soomaaliya horay u dhigaya, waxa uuna abaal marinno ay ku mutaysteen hawl-karnimo guddoonsiiyay xubno kamid ah hawl-wadeennada xafiiska Ra’iisul wasaaraha , tubaha, hormuudyada ololaha is-xilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud iyo Xoogagga wadaniyiinta ah.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ballan qaaday in hoggaanka dalku ay sii wadayaan ilaalinta amaanada iyo bedelidda dhaqankii hore ee dib u dhigay horumarka iyo qaranimadda ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid allaha u naxariistee xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle, ayaa Allaha naxariis uga baryay, isaga oo sheegay in xildhibaanka ay ka go’nayd horumarinta Soomaaliya, waxa uuna dhanka kale ra’iisul wasaaruhu ka hadlay wax qabadkiisii Allaha u naxariistee uu wariye Cawil Daahir Salaad ku lahaa dib u kabashada Soomaaliya iyo rajada uu ka qabay in dalku gaaro horumar dhan waliba ah.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so 
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter: 
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia