Ra’iisul wasaare Khayre oo Kormeeray Xarumaha Dib Loogu Dhisayo Ololaha Is-xilqaan

Muqdisho; Sabdi, Janaayo 26, 2019—Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo u kuur gelaya hannaanka dhaqan gelinta halbeegyada tubta arrimaha bulsahda ayaa kormeer ku tegay goobaha uu ka socdo ololaha is-xilqaaan ee dib loogu dhisayo xarumaha dawladda, wadooyinka iyo dhismyaasha taariikhda u leh Soomaaliya.

Maktabadda qaranka, Tiyaatarka, Madxafka iyo taallada Xaawo Taako oo dhammaan uu ka socdo ololaha is-xilqaan ee dadka Soomaaliyeed ay dib ugu dhisanayaan dalka ayuu ra’iisul wasaaruhu ugu tegay hawl-wadeennada dawladda ugu xil-saaran is-xilqaan, mas’uuliyiin iyo shaqaala dawladeed oo ku guda jiray ololaha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hawl-wadeennada ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaalka dib u dhiska dalka iyo ololaha is-xilqaan si xilli dhaw loogu guulaysto dib u dhiska dalka guud ahaan.

Kormeerka uu ra’iisul wasaaruhu ku sameeyo wasaaradaha iyo xarumaha kale ee dawladda oo ah mid joogta ah ayaa lagu socdaa hanaanka hawl-wadeennada dawladdu u fuliyaan shaqooyinka loo xil-saaraya si loo dhabeeyo isla-xisaabta ku salaysan daah-furntaanta, umadda Soomaaliyeedna ula socdaan dadaalka ballaaran ee loogu jiro dib u soo kabashada dalka.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so 
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter: 
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia