Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Yurub iyo Arrimaha Dibadda Ee Faransiiska

Paris, Arbaco, Nofeembar 13, 2019—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa Paris kulan kula qaatay wasiirka Yurub iyo arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jean-Yves Le Drian.

Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka oo kulankooda uga wada hadlay dib-u-habeynta dhaqaale iyo amni iyo guulaha laga gaaray ayaa isku raacay in labada dowladood ay sameystaan iskaashi istararaatiijiyadeed cusub oo ku saleysan is aaminaad iyo danaha labada qaran.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulan uu la qaatay wasiirka arrimaha dibadda The Netherlands, Stef Blok, waxa ay uga wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood iyo taageerada The Netherlands ee qorshaha deyn cafinta dalka.

Mudane waxaa kale oo kulamo uu la qaatay Xoghayaha arrimaha dibadda Sweden, Annika Söder, iyo madaxweynaha bangiga horumarinta Islaamka, Dr. Bandar Hajjar.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qayb ka qaatay dood qayb ka aheyd kulanka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris ayaa sidaan oo kale maanta kulamo gaar gaar ah la qaatay wasiirrada arrimaha dibadda Ruushka iyo Filand iyo xoghayaha guud ee wariyaasha aan xuduudda laheyn.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia
https://www.facebook.com/HassanAliKhaire