Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Mareykanka Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho

Muqdisho, Arbaco, Janaayo 22, 2020—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Tibor P. Nagy.

Kulanka ayaa looga hadlay xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka argagaxisada iyo qorshaha deyn cafinta ee gebabeda maraya.

Tibor P. Nagy oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyso dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka, waxuuna dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa qeyb ka ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Dowladda federaalka Soomaaliya ee ka caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia
https://www.facebook.com/HassanAliKhaire