Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Arrimaha Soomaaliya

Muqdisho, Sabti, Feberaayo 15, 2020—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, ahna isku dubba ridka arrimaha gargaarka dalka, Adam Abdelmoula.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Adam Abdelmoul ayaa looga hadlay barnaamijyada dib-u-habeynta, mashaariicda horumarineed ee qaramada midoobay ay ka sameyso Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha gargaarka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Qaramada Midoobay uga mahad celiyay taageeradeeda dadaallada dib-u-habeynta iyo fulinta mashaariicda horumarinta ee qaybta ka qaadanaya gaarimadda mililooyinka ummadda Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
Facebook:
OPMSomalia
HassanAliKhaire
instagram:
hassanakhaire
opmsomalia