Dowladda Iyo Culimada Soomaaliyeed Oo Ka Hadlay Dardar Gelinta Dadaallada Lagu Xakameynayo Faafitaanka COVID-19

Muqdisho, Sabti, April 11, 2020—Wasiirka  Awqaafta  iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo maanta kulmay ayaa  ka wada hadlay dardar gelinta dadaallada lagula tacaalayo  cudurka CoronaVirus / COVID19.

Culimada iyo wasiirka oo si qota dheer uga dooday hannaanka wax looga qaban karo faafitaanka cudurkan safmarka ah ee ku soo kordhay dalkeenna ayaa isla gartay in Culimada oo ka mid ah dadka ay bulshadu dhageysato ay kaalin weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan cudurkan khatarta ah ee Covid19.

Sidoo kale waxay laba dhican hoosta ka xariiqeen in in la dhiso guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo caawinta qeybaha nugul ee bulshada oo uu saameynta nololeed ku yeelanayo cudurkan Coronavirus, maadaama  ay nagu soo aaddan tahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kulanka intii uu socday ayaa sidoo kale waxaa la isku raacay in la dhigso guddi ka kooban  Dowladda, khubarada caafimaadka iyo culimada si ay u qiimeeyaan go’aanna uga gaaraan sida laga yeelayo arrinta  masaajidda kadib marka ay sameeyaan cilmi baaris diini iyo mid caafimaad.

Ugu dambeyn culimada iyo wasiirka ayaa waxay mar kale la fareen ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u turaan shacabka oo aysan sare u qaadin qiimaha waxyaabaha daruuriga u ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, culimadana wacyigalin ka sameyso, hay’adaha dowladda ee arrintu khuseysana tallaabada ku habboon ka qaadaan.

Kulanka dhex maray wasiirka diinta iyo Awqaafta iyo culimada Soomaaliyeed waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta wasaaradda, mas’uuliyiin ka socotay xafiiska ra’iisulwasaaraha, dhaqaatiir Iyo saraakiil ka socay hay’adaha Amniga dalka.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
Facebook:
OPMSomalia
HassanAliKhaire
instagram:
hassanakhaire
opmsomalia