Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Oo Kormeeray Dekadda Muqdisho

Muqdisho; Talaado, July 28, 2020 —-Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan sii hayayaasha wasaaradaha dekadaha iyo maaliyadda ayaa maanta kormeeray Dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee dalka.

Kormeerka Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa salka ku haya hubinta habsami u socodka shaqooyinka hey’adaha dowladda iyo kahor tagga gaabis ku yimaada hannaanka shaqo sababo la xariira isbedelka siyaasadeed ee dalka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maamulka dekadda faray inay laba jibaaraan shaqooyinka ay qaranka u hayaan oo ay sare u qaadaan hufnaanta si ay qayb uga noqdaan gaaridda himilooyinka qaranka.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
@KhadarGulaid
Facebook:
OPMSomalia
Mahdi M. Gulaid
instagram:
opmsomalia