Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Ummadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciid Al-Adxa

Muqdisho; Khamiis, July 30, 2020—-Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u rajeeyay inay ku ciidaan farxad, baraare, nabad iyo amni buuxa ayaa ku dhiirri geliyay in dadka nugul in la caawiyo si ay qeyb uga noqdaan bulshada farxadda ku ciideysa

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sidoo kale dadka ciidaya kula dardaarmay in laga taxadaro faafitaanka COVID19 oo la qaato talooyinka wasaaradda iyo caafimaadka dalka.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
@KhadarGulaid
Facebook:
OPMSomalia
Mahdi M. Gulaid
instagram:
opmsomalia