Ra’iisul Wasaaraha oo Wakhti la qaatay Shacabka Magaalada Garowe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa wakhti la qaatay shacabka ku nool magaalada Garowe ee xarunta dowlad-goboleedka Puntland, isagoo tagay goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan iyo xarumaha ganacsiga ee magaalada ku yaalla.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka uu la kulmay ka wareystay xaaladahooda dhaqan dhaqaale iyo amni, kuna dhiirrigaliyay in ay ilaashadaan horumarka iyo nabadda ay hastaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada uu magaalada Garowe kula kulmay uga jawaabay weydiimo kooban oo la xiriiray socdaalkiisa.

Shacabka uu ganacsiyadooda iyo Goobaha lagu kulmo ku booqday, ayaa si wanaagsan u maraxbbeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble, lana galay sawirro xusuus ah.