Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo si diirran loogu soo dhaweeyey dalka Masar

**Qaahira, Ogostoo 16, 2021;** Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kadib markii uu saakay ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Qaahira International dhiggiisa dalkaas Mudane Mustafa Madbuuli iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalka aan walaalaha nahay ee Masar.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigiisa ayaa ku tagay dalka Masar booqasho rasmi ah oo ku saleysan xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo labada dhinac ay yeelan doonaan kulammo ku aaddan arrinkaas.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha XFS waxaa ku wehliya Wasiirka arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamed, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo masuuliyiin katirsan goleyaasha Dowladda.