Ra’iisul Wasaare Rooble oo Deeq daawo ah gaarsiiyey Isbitaalka Baraawe

Ra’lisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa deeq daawo ah gaarsiiyay Isbitaalka guud ee magaalada Baraawe, si loogu daboolo baahiyaha ka jira isbitaalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay dadaalkeeda ku bixin doonto sidii xarunaha Caafimaadka dalku u noqon lahaayeen kuwo adeegyadoodu dhameystiran yihiin xiligan lala tacaalayo faafaha daran ee COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dhowaan la keeni doono Isbitaalka Baraawe gaari qaada bukaanada oo bulshada ay baahi weyn u qabaan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kormeeray xarunta loo qorsheeyey in ay ka dhacdo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ku matalaya Koofur Galbeed oo magaalada Baraawe ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhaceyso.