Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Khaalid Bin Khalifa Al-Thani

Doha, October 05, 2021 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Doha ee dalka Qatar kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Khaalid Bin Khaliifa Al-Thani, kaa soo looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee dalkaas uu ka fuliyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee ku aadan qabsoomidda doorashooyinka, isagoo sheegay in dowladda Qatar ay ka go’an tahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Eng. Rooble ayaa xusay in Qatar ay tahay saaxiib muhiim ah oo leedahay Soomaaliya, kuna garab siinaya sidii dalku dib uga kaban lahaa dhibaatooyinkii ka dhashay burburka. Isagoo ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan horumarinta kaabayaasha dalka.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia