Kulan howleedka Tiirka Arrimaha Bulshada XFS oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

 

Muqdisho, Oktoobar  27, 2021- Kulan ay ka soo qeyb galeen Agaasimeyaasha iyo mas’uuliyiinta Wasaraadaha iyo hay’adaha dowladda ee hoos taga Tiirka Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka oo uu soo agaasimay hoggaanka tiirkan u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa  intii uu socday looga dooday qaabeynta habsami u socodka howlaha tiirka arrimaha bulshada iyo diyaarinta qorshe howleedyo muhiim ah.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinta halbeegyada waxqabadka hay’adaha kala duwan ee dowladda ee hoos yimaadda tiirka arrimaha bulshada.