Ra’iisul Wasaare Rooble oo si diirran loogu soo dhaweeyey Abu Dhabi

Abu Dhabi, Jan, 30, 2022– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa  dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda dalka Imaaraadka Carabta Cabdalla Suldaan Alniceymi.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah; Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.