Guddiga Qiimeynta Deegaan Doorashada Labaad ee Jubaland oo la kulmay Madasha Wadahadalka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada Labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey  Avv. Cumar Maxamed Cabdulle ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Madasha Wadahadalka Soomaaliyeed (Somali Dailogue Plattform) oo ay ka wada hadleen qorshe howleedka guddigan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa Madasha faahfaahin ka siiyay qorshe howleedka guddigan oo loo xilsaaray in uu ka soo talo bixiyo xaaladda deegaan doorashada Garbahaarreey, isagoo ka codsaday inay ku gacan siiyaan fulinta qorshe howleedkooda.