Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale maanta la kulmay madaxwaynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan. Kulankaan oo ka dhacay Guriga Madaxwaynaha ayay labada mas’uul uga wada hadleen iskaashiga labada dal iyo sidii dawladda Imaaraadku u xoojin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Khamiistii soo gaaray Abu Dhabi ayaa madaxda ugu sarreysa Imaaraadka la lahaa kulammo diiradda lagu saarayay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaalnimo ee labada dal ee walaalaha ah.