Dowladda Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ku wareejisay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo laga hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018, iyadoo dowladda Imaaraadkuna ugu deeqday wax ka qabashada arrimaha abaaraha dalka saameeyey.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in lacagtan  gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar lagu shubay Bangiga dhexe ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga maaliyadda dalka, loona isticmaali doonno arrimaha gargaarka.

Madaxweynaha Dowladda Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa amray in lacagtaan lagu wareejiyo Dowladda Soomaaliya, si loo xoojiyo gurmadka iyo gargaar bini’aadan-tinimo ee la gaarsiinaayo dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakhti geliyey sidii loo hagaajin lahaa soo celin lahaa xiriirka labada dalka oo xumaaday sanadkii 2018, waxana tallaabada soo celinta xiriirku suurta-gelinaysaa  soo laabashada mashaariicdii horumarineed ee Imaaraadku ka fulin jirey Soomaaliya.