Ra’iisul Wasaare Rooble oo xariga ka jaray Dugsiga Hoose dhexe ee Agoonta Booliska Soomaaliyeed

 

Muqdisho, 31 May, 2022–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen askartii naftooda u huray qaranka, ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiinkad oo wax yeelo u geysanayay xiliyada kulaylaha,

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho ku tagay xarunta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed 24 kii bishii Janaayo ee sanadkii 2021 oo ka damqaday goobta ay wax ku baranayaan, ayaa amray in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u horey qaranka.

Iskuulkan oo loo dhisay si heer sare ah ayaa leh adeegyada muhiimka ah ee waxbarashada. Ra’iisul Wasaaruhu oo kormeeeray qeybaha uu ka kooban yahay Iskuulka, ayaa faray Wasaaradda Waxbarashada in ay u joogteyso adeegyada uu u baahan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta naftooda u huray difaaca dalka.