๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ ๐๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐๐ฒ ๐ฑ๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ญ๐๐ ๐๐ ๐๐๐ญ๐ฐ๐๐๐ ๐๐ข๐ข๐ง๐ญ๐
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ ๐๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐๐ฒ ๐ฑ๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ญ๐๐ ๐๐ ๐๐๐ญ๐ฐ๐๐๐ ๐๐ข๐ข๐ง๐ญ๐
Muqdisho, Isniin, 06 Janaayo 2025: โ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhigax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul Iftaa, ayaa sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan.
“Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul Iftaa, waxaanna rajeynayaa in uu mashruucani uu noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeedโ. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo.
โ Dhammaad โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so