Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

ย Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si looga feejignaado dhagarta cadowgu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya Bishan barakeysan ee Ramadan.

Heyโ€™adaha amniga ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixinno ku saabsan horumarka laga gaaray amniga guud ee caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, waxaanna lagu falaanqeeyay sidii heyโ€™addaha amnigu ay si wadajir ah uga wada shaqayn lahaayeen sugidda amniga iyo kor-u qadidda wada-shaqaynta laamaha amniga iyo shacabka ku nool caasimadda.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa ku ammaanay heyโ€™adaha amniga juhdiga iyo dadaalka ay geliyeen sugidda amniga, isaga oo faray heyโ€™adaha iyo maamulka gobolka Banaadir inay kor u sii qaadaan dadaallada lagu horumarinayo nabadgelyada caasimadda, maadaama kooxaha Khawaarijta ah wakhtigoodu gabaabsi yahay.

==Dhammaad==