Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: “๐‡๐š๐๐š๐Ÿ๐ค๐ž๐ž๐ง๐ง๐ฎ ๐ฐ๐š๐š ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ช๐จ๐Ÿ ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐จ๐ ๐š๐ก”

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025), ayaa sheegay in maalintani ay astaan u tahay iskaashiga nabadda, midnimada iyo horumarka.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay doorka muuqda ee Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarka dhaqaalaha, gargaarka baniโ€™aadannimada iyo dib-u-dhiska, Waxa uuna carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaaro horumar waara iyo nabad buuxda.

โ€œTobannaankii sano ee la soo dhaafay Midowga Yurub wuxuu garab taagnaa Soomaaliya, hadal kaliya ma ahayn balse ficil, waxaad naga caawiseen in miinooyinka la soo saaro, jidadka la dhiso, la tababbaro ciidamo Booliis ah, la horumariyo iskuullada iyo in la caawiyo beeralaydeenna. Taasi waa saaxiibtinnimada dhabta ah”. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay hannaanka dowlad dhiska iyo dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo xusay shirkii ugu dambeeyay ee 11aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo ay ka soo baxeen go’aamo wax ku ool ah oo horumarinaya dalka.

“Waxaan seeska u dhigaynaa hannaan doorasho oo loo dhanyahay, oo ka madax bannaan faragelin iyo cabsi. Wax fudud ma ahan balse waxa aan ognahay in Dimuqraadiyaddu ay mudan tahay.โ€

Raโ€™iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in hadafka dowladdu yahay sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ka dhacaysa dhammaan gobollada dalka, waxaana uu intaas raaciyay in aanay jiri doonin doorasho dadban, oo dadka Soomaaliyeed ay go’aan ka gaari doona cidda hoggaamin doonta.

โ€” Dhammaad โ€”

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya

BOGGA HORE


Muqdisho, Isniin, 21 Abriil 2025: โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah,