๐๐’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐: “๐๐ฎ๐ฌ๐ญ๐๐ช๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ซ๐ฐ๐๐๐ช๐จ ๐๐ก ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฃ๐ข๐ซ๐๐ ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐ ๐๐ก”
Raโiisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, ayaa sheegay in Wasaaraddan ay ka mid tahay kuwa ugu muhiimsan hiigsiga horumarinta dhaqaalaha dalkeenna, maadaama khayraad badan dalkeennu uu uga imaanayo dhanka badda.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in mustaqbalka Soomaaliya horumarsan uu ka iman doono dhanka badda, isla markaana Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ay door muhiim ah ka qaadan doonto kobaca dhaqaalaha dalka maadaama ay hadda kadib yeellan doonto dhisme weyn oo casri ah.
“Dhaqaalaha Buluugga ah waa mid muhiim ah oo la doonayo in Soomaalidu ka faaโiideysato, waanna halka ay ka bilaabmi doonto Soomaaliya barwaaqo ah oo la soo baxda wax-soo saarka badda iyo khayraadka dihan ee dhulkeeda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Mudane Xamsa, waxa uu xusay in laga doonayo dadka Soomaaliyeed in ay degaan dhulka xeebaha ah, dowladduna ay ka hirgalin doonto waddooyin waaweyn oo sahlaya isticmaalka khayraadka badda iyo ka faa’ideysiga dhaqaalaha buluugga ah ee dalkeenna.
-DHAMMAAD-