๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐๐๐๐๐ข ๐๐๐ซ๐ซ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐ ๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฌ๐ค๐ ๐๐-๐๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐๐ ๐๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ข๐๐ฅ๐จ๐ฆ๐๐๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐ข๐ง๐๐ก๐
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, taas oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Raโiisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa muujiyay muhiimadda taariikhiga ah ee ay leedahay 65 sano oo xiriir diblomaasiyadeed, isagoo xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu ku dhisan yahay saaxiibtinimo qoto dheer, ixtiraam madaxbannaani, is-fahan iyo iskaashi faaโiido wadaag ah.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in tan iyo aasaaskii xiriirka diblomaasiyadeed sanadkii 1960-kii, labada dal ay wada joogeen marxalado kala duwan oo isbeddello gobol iyo kuwa caalami ah, isla markaana Shiinaha uu mar walba ahaa saaxiib ay Soomaaliya leedahay oo taageera mudnaanta Qaranka Soomaaliya.
Raโiisul Wasaaraha ayaa si gaar ah u xusay taageerada Shiinaha ee dhowaan ay ku dhawaaqday dowladda Waddankaasย kaas oo ah hal milyan oo doollarย oo loogu talagalay gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay, isagoo ku tilmaamay tallaabo muujinaysa garab istaag dhab ah iyo saaxiibtinimo fog.
Munaasabadda Waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, Qaar ka mid ah Danjireyaasha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyo Marti sharaf kale.
ย ย ย ย ย ย ย ย โโDHAMMAADโโ-









