๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ฐ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ก๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐๐ฆ๐๐ซ๐๐๐
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweyne ku-xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb ka qeybgali doona Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage, oo sannadkan diiradda lagu saarayo arrimo la xiriira siyaasadda, amniga, dib-u-dhiska hayโadaha dowladda Soomaaliya.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulamo la yeelan doona hoggaanka Maamulka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhageysan doona aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aaddan nabadda, horumarka iyo midnimada dalka.
– DHAMMAAD –



