๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐๐๐ช๐๐ฒ ๐ข๐ง ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฆ๐ข๐๐จ๐จ๐๐จ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ ๐๐ข๐ซ๐ข๐๐ญ๐ข๐ซ๐๐ฒ๐จ ๐๐ก๐๐ฐ๐๐๐ซ๐ข๐ฃ๐ญ๐.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro cadowga Khawaarijta ee nabadda iyo horumarka diiddan, jab xoogganna ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, xilli uu ka hadlayey munaasabad Af-fur wadareed ah oo ay iskugu yimaadeen ardaydii Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka Malaysia.
โQorshuhu ma ahan oo kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in dalka laga tirtiro, maxaa yeelay wax horumar ah dalkeennu ma sameyn karo inta ay taako ka mid ah joogaan, waana lagama maarmaan in aan dhammaanteen u midowno dagaalkoodaโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
Raโiisul Wasaaruhu waxa uu intaas raaciyey, โCaawa waa 27 Ramadan waliba sida culimada badankoodu sheegtay aad baa loogu badiyaa in ay tahay habeenka Leylatul Qadriga, waxaan ugu yeerayaa dadka Soomaaliyeed dhammaantood in la is cafiyo, qof qof iyo koox koox la isu cafiyo, dalkana loo duceeyoโ.
Mudane Xamsa oo u mahadceliyey aqoonyahanka af-furka soo agaasimay, ayaa dhankooda ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska socda, si loo xaqiijiyo hiigsiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan Soomaaliya xasilloon oo horumar gaarta.
โ Dhammaad โ