Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐ค๐ฎ ๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐ญ๐ฎ๐ค๐š๐๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ฃ๐ข๐๐ค๐š ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐‰๐ข๐ฆ๐œ๐š๐š๐ฅ๐ž

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Salaadda Ciidul Fidriga kumannaan shacab ah kula tukaday Masjidka Cali Jimcaale ee caasimadda Muqdisho.

Mudane Cabdisalaam, ayaa hambalyo gaar ah u diray ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo habeen iyo dharaarba u taagan ilaalinta dadka iyo dalka, dhowaana ka guuleysan doona kooxaha Khawaarijta ah.

โ€œWaxaan ugu hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Fidriga, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha Soomaaliyeed ee maanta ku ciidaya jiidaha hore ee dagaalka.

“Intii lagu jiray bisha Ramadaan, waxaad muujiseen midnimo iyo isku duubni, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo wada shaqeynta shacabka iyo hayโ€™adaha amniga si bulshada Soomaaliyeed u helaan amni iyo xasillooniโ€, ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenku.

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa sheegay in la gaaray waqtigii loo midoobi lahaa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah, si isku mid ahna loo garab istaagi lahaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee halganka ugu jira sidii ay dalkeenna uga sifeyn lahaayeen kooxaha arxanka daran ee Khawaarijta.

โ€” Dhammaad โ€”

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya