Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐ฅ๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฃ๐ข๐ ๐š ๐ฅ๐š๐›๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐๐š๐ฑ๐ง๐š๐š๐ง๐จ

Muqdisho, 17 Maajo, 2025:โ€“Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo daahfuray ย wajiga 2-aad ee mashruuca Baxnaano ee daryeelka bulshada, ayaa sheegay in mashruucaani uu caawiyo dadka danyarta ah wajigiisa koowaadna uu guul ku soo dhammaaday.

 

Raโ€™iisul Wasaare Kuxigeenka, ayaa bogaadiyey guulihii uu xaqiijiyey masharuucan muddadii shanta sano ahayd ee uu shaqaynayey, waxa uuna faray hayโ€™adaha ku shaqada leh in la dardar galiyo fulinta wajiga labaad, isaga oo ka mahad celiyey dadaalka la galiyey, si uu miradhal u noqdo.

Barnaamijka Baxnaano ayaa wajigiisa koowaad waxaa uu socday intii u dhexeysay 2019 ilaa 2024 ayaa waxaana ka faaโ€™iideystay dad gaaraya 1.3 Malyan oo reer guuraa u badan, sida ay sheegtay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada oo u xilsaaran fulintiisa.

-Dhammaad-

 

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so